Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gaarisa: Baaq ay soo Saareen Culumada Diinta


Golaha Imaamada iyo Muslimiinta gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa wax laga xumaado ku tilamaamay go’aanka ay dowladda ku qaadatay in ay xirto xaruunta bixinti baasaboorada ee Gaarisa iyo waliba go’aan ay dowladda hindistey oo ahaa in masaajidda qaar la xiri doono.

Culumadan oo 2-dii maalmood ee la soo dhafay kulan xasaasi ah uga socday Gaarisa ayaa waxa ay dowladda ugu baaqeen in ay raali galin ka bixiso, go’aankaasina ka laabato.

Sheekh Xasan Camey oo ah madaxa golaha imaamyada ee degaannada Waqooyi Bari Kenya oo warramay VOA ayaa sheegay in tallabadan ay qaaday xukuumddo aysan ahayn mid sax.

Waraysiga Sheekha dhan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Dhegayso: Baaqqa Culumada Waqooyi Bari ee Kenya
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:47 0:00

XS
SM
MD
LG