Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kerry: Russia ayaa ku Lug leh Burburkii Dayuuradda


Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa cambaareeyey dalka Russia Axadii shalay, isaga oo sheegay inay jiraan caddeymo muuqda oo la xiriirta ku-lug-lahaanshaha dayuuradda Malaysian Airline ee lagu soo riday Bariga Ukraine.


Dhowr telefishan oo laga wareystay Axaddii shalay ayaa Kerry sheegay inay jiraan cadeymo muujinaya in Russia ay falaagada raacsan siisay gantaalada horumarsan ee SA-11 ee dayuuradaha lagu soo rido, ka dibna ay falaagada ku tababartay sida loo isticmaalo.

Waxa uu sheegay in Maraykanku uu arkay video muujinaya qalabka gantaalada laga tuuro oo hal gantaal ka maqan yahay wax yar uun ka dib markii burburku dhacay. Waxa uu intaas ku daray in qalabkii gantaalka laga tuuray laga qaaday dhulka falaagada, ka dibna lagu celiyey dhinaca xadka Ruushka. Dayuuradda oo Khamiistii la soo riday ayaa waxa ku dhintay 298 qof meel u dhow xadka Ruushka.

XS
SM
MD
LG