Isku xirrada

War Deg-Deg ah

HRW oo Diidday Xeerka la Dagaalanka Argagixisada ee Pakistan


Human Rights Watch HRW
Human Rights Watch HRW

Ururka Human Rights Watch ayaa ugu baaqey Pakistan inay laasho xeerkeeda cusub ee la dagaalanka argagixisada.

Ku Xigeenka Madaxa Human Rights Watch ee Asia ayaa ku tilmaamey sharcigan cusub inuu yahay mid mugdi uu ku jiro oo dhan walba oo la doono loo adeegsan karo.

Phelim Kine waxaa uu sheegay in sharcigan cusub uu fasaxayo in dadka laga shakisan yahay ee la soo xiro tacadiyo loo geysto, falalkaasi oo haatanba si weyn caadi uga noqdey dalka Pakistan.

Dadka taageersan sharcigan ayaa ku tilmaamey inuu muhiim u yahay dardargelinta baaritaanada iyo qaadista dacwadaha la xiriira argagixisada.

Human Rights Watch waxay sheegtay in sharcigan loo adeegsan karo in lagu waxyeeleeyo mucaaradka siyaasadda iyo kuwa dhaleeceeya siyaasadda dowladda.

Waxaa kale oo uu ururku sheegay in xeerkan uu ka hor imanayo xuquuqda aasaasiga ee xoriyadda hadalka, xoriyadda shaksiga ee arrimaha u gaarka ah, isku imaatinka nabadeed iyo kuwo kale oo ku xusan xeerarka caalamiga ee xuquuqda aadanaha ee Pakistan ay ansixisey sannadkii 2010.

Madaxweyne Mamnoon Hussain ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda qalinka ku duugo xeerkan cusub si uu u noqdo sharci rasmi ah kadib markii aqalka Senate-ka uu ansixiyey horaantii toddobaadkan.

XS
SM
MD
LG