Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo ka Digtay Weerarro Dhaca Ramadaanka


Dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay weerarro argagixiso oo ururka al-shabab uu qorsheynayo inuu ka fuliyo gudaha Muqdisho iyo gobollada Soomaaliya inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadan.

Dowladda ayaa heegan galisay ciidamada Somalia sia ay uga hortagaan weerarro dhaca. Dhinaca kale AMISOM iyo Maraykankan ayaa iyaguna ka digay in weeraro ay Soomaaliya ka dhici karaan bisha Ramadan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaarisay qorshe la magac baxay “Nabad ku Afur” kaasi looga hortagayo falalka argagixiso ee dhici kara xilliyada afarka a iman kara ururka a-Shabab.

Afhayeenka ciidanka booliska Qaasim Axmed Rooble ayaa VOA-da u sheegay in ciidanka la galiyay heegan ay uga hortagayaan weerarro al-Shabaab fuliso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:08 0:00

XS
SM
MD
LG