Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maalinta Qaxootiga Dunida oo la Xusayo


Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay UNHCR ayaa sheegtay in dad ka badan 51 milyan sannadkii hore si qasab ah loo barakiciyey , tiradaas oo noqoneysa tii ugu sareysey tan iyo dagaalkii Labaad ee Dunida.

Warbixin ay hay’addu maanta soo saartey oo lagu xusayo Maalinta Qaxootiga Dunida, ayaa waxay ku sheegtey in dadkaasi ay isugu jiraan qaxooti, magangelyo doon iyo dad ku barakacay gudaha waddamadooda.

Hay’adda ayaa sidoo kale intaa ku dartey in tiradaasi ay muujineyso koror dhan lix milyan oo qaxooti marka la barbardhigo sannadkii 2012-ka.

Warbixintu waxay sheegeysaa in kororkan xad dhaafka ah uu ka dhashey dagaalka Syria, oo sababey dad gaaraya 2.5 milyan ay qaxooti noqdaan, iyadoo ilaa lix milyanna ay gudaha dalka ku barakaceen.

War uu soo saarey Madaxa Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayuu ku sheegay in arintani ay ka tarjumeyso khasaaraha ka dhalan kara inaan lagu guuleysan soo afjarista dagaalada, in lagu gyyldareysto xalinta am aka hortagga colaadaha.


Guud ahaan qaxootiga ku nool dunida ayaa in ka badan kala bar oo gaaraya 16.7 milyan waxay ka soo jeedaan dalalka Afghanistan, Syria iyo Somalia .

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in dalalka Pakistan, Iran iyo Lebanon ay yihiin dalalka qaxootiga ugu badan ee dunida soo dhoweeyey sannadkii 2013.

Ilaa iyo saddex milyan oo qaxooti ayaa ku nool saddexdan dal.

Warbixin ku saabsan maalinta qaxootiga ka dhageyso xagga hoose.
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:15 0:00
XS
SM
MD
LG