Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciraaq: Fallaagada oo Qabsatey Mosul


Mosul, Iraq
Mosul, Iraq
Dalka Ciraaq, koox maliishiya ah ayaa qabsatey xarunta dowladda iyo dhismeyaal kale oo muhiim ah magaalada Mosul ee waqooyiga dalka.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in maliishiyaadkaasi fallaagada ah o ku hubeysanaa qoryaha fudud ay goor habeen ah la wareegeen xafiisyadaasi kadib dhowr maalmood oo dagaallo ay ka socdeen magaalada labaad ee ugu weyn Ciraaq, taas oo 350km dhanka waqooyi ka xigta magaalada Baghdad.

Ciidamada ammaanka ee Ciraaq ayaa dadaal weyn u galey sidii ay maliishiyaadka hubeysan uga hor istaagi lahaayeen inay qabsadaan goobo dhowr ah oo dalka ku yaalla. Horaantii sannadkan fallaagada waxay qabsadeen magaalada Fallujah.
XS
SM
MD
LG