Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo ka Digey in loo Safro Djibouti


Wasaarada Arrimaha Dibada Mareykanka ayaa war qoraal ah oo ay soo saartey waxa ay ugu digtey muwaadiniinteeda in ay booqdaan dalka Jabuuti

Qoraalkan ayey wasaarada arrimaha dibada ku sheegtey in ay heleyso warbixino xoogan oo muujinaya qataro argagixiso oo ka dhan ah danaha reer galbeedka oo ay Mareykankuna ku jiraan.

Warkan ayaa lagu sheegey in qatarahan argagaxiso ay ku jiri karaan weeraro ismiidaamin ah, baabuur Bambooyin lagu xiro, afduub, weerar lagu qaado duulimaadyada rayidka iyo maraakiibta xeebaha Jabuuti isticmaalaya. Sidoo kale waxa ay sheegeen in weeraradaas lala eegan karo dhismayaasha dowlada, safaardaha iyo xarumaha milatriga, sidoo kale waxa ay ka digeen weeraro lala eegan karo goobaha nugul sida Maqaayadaha, goobaha lagu caweeyo iyo ganacsiga.

Safaarada Mareykanka ayaa ka xakameysey shaqaaleheeda in ay tagaan agagaarka fagaraha Menelik, sidoo kalena waxaa looga digey in ay tagaan meelaha la isugu yimaado iyo maqaayadaha. digniintan ayaa ah mid quseysa shaqaalaha dowlada, balse waxa ay kula taliyeen muwaadiniinta Mareykankana in ay taxadar muujiyaan.

24kii bishan May ayaa waxa laba qarax oo ismiidaamin ah lagu qaadey maqaayad ay ku badnaayeen reer galbeedka oo ku taala bartamaha magaalda Jabuutii, hal qof ayaa ku dhintey tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen. masuuliyada qaraxyadasa ayaa waxaa sheegtey ururka Al-shabaab.
XS
SM
MD
LG