Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamaanka oo Diiday Heshiiskii FAVORI


Baarlamaanka
Baarlamaanka
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta diiday oo dib dowladda ugu celiyay heshiiskii lala galay shirkadda Turkiga Favori ee maamusha garoonka diyaaradaha Mqudisho.

Baarlamaanka oo cod u qaaday heshiishkan, ayaa waxaa diiday 124 mudane, halka 13-na kale ay oggolaadeen, 2-kalena ay ka aamuseen.

Xildhibaannadan ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay mid aan sharci ahayn, waxaana dib loogu celinayaa wasaaradda duulista ee dowladda Soomaaliya si ay wax uga baddasho.

Shrikaddan Favori ayaa maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho waxay siddeed bilood ka hor kala wareegtay shirkad kale oo lagu magacaabo SKA.
XS
SM
MD
LG