Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadka Donetsk oo u Codeeyay Madax-bannaani


Qaban qaabiyayaasha aftidii shalayka dhacday bariga dalka Ukraine ayaa sheegay in dadka degan gobolka Donetsk ay 89% u codeeyeen in ay ka go'aan dalka Ukraine intiisa kale.

Kooxda gooni-goosadka ayaa sheegay in 10 boqolkiiba ay diideen madaxbanaanida, iyadoo dadka ka qeybgalay aftidan ay ahaayeen 75 boqolkiiba.

Natiijadan hor-dhaca ah ayay si rasmi ah loo xaqiijin karin, sababtoo ah ma jiraan kormeerayaal caalami ah oo ku sugan gobolkaasi.

Dowladda KMG ee Kyiv ayaa aftida ku tilmaantay mid sharci darro ah, iyadoo Maraykankuna uu sheegay inuusan aqoonsan doonin natiijooyinka aftidan oo uu ku tilmaamay mid ka hor-imanaysa sharciyada caalamiga ah.

Gobolka kale ee Lohansk ee bariga Ukraine oo ay sidoo kale ka dhacday aftidu ayaan wali lagu dhawaaqin natiijooyinka.

Dadka dagan labadan gobol ayaa sheegay in haddii natiijooyinka aftidu ay muujiyaan madaxbannaani ay tahay Ruushku inuu sida ugu dhakhsiyaha badan u oggolaado inay ka mid noqdaan dalweynaha Ruushka.
XS
SM
MD
LG