Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afti ka Socota Bariga Dalka Ukraine


Codeynta aftida goosashada ayaa maanta ka bilaabatey laba gobol oo ku yaalla bariga Ukraine.

Codeyntan ayaa muujineysa sida ay uga sii dareyso xasaradda siyaasadeed ee ka taagan Ukraine, taas oo dhalisey inuu gaaro heerkii ugu xumaa xiriirka u dhexeeya dalalka Bariga iyo kuwa reer Galbeedka tan iyo markii uu dhamaadey dagaalkii qaboobaa.

Madaxweynaha Ku Meel Gaarka ee Ukraine Oleksandr Turchynov ayaa u digey taageerayaasha kooxaha gooni u goosadka in xornimo ay qaataan gobolladaasi ay dhalin doonto dhibaato aan baaxadeeda la qiyaasi karin.

Waxaa uu ugu baaqey fallaagada inay ka qeyb qaataan wadahadalo lagu soo dhisayo xukun hoosaad ballaaran oo ay yeeshaan gobollada bariga dalka ku yaalla.

Aftida maanta dhacaysa ayaa shacabka looga dalbanayaa inay aqbalaan in la soo dhiso waxa loogu yeerey jamhuriyado madaxbanaan oo ay yeeshaan gobollada Donetsk iyo Luhansk.

Jen Psaki, oo ah afhayeen ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa sheegtey in Mareykanku aanu aqoonsan doonin najiitada aftidan.
XS
SM
MD
LG