Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Russia: Ukraine ha Bixiso Lacagta Gaaska


Ruushka ayaa ka dalbadey Ukraine inay bixiso lacag hormaris ah ka hor intaaney helin gaaska dabiiciga ee ay ka soo iibsato Moscow. Talaabadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo dowladda Kiev ay la daala dhacayso dhibaato dhaqaale iyo carqalado siyaasadeed.

Wasaaradda Tamarta ee Ruushka ayaa sheegtey in Ukraine ay iska bixin weysey waqtiga loo qabtey oo Arbacadii ku ekeyd lacag dhan 3.5 bilyan oo dollar oo ah deyn horey loogu lahaa oo ay ku qaadatey gaas, waxaana wasaaradda ay intaa ku dartey in hadii Ukraine ay dooneyso in gaas kale loo dhoofiyo kowda bisha June laga doonayo inay lacagta iska soo hormariso.

Russia waxay boqolkiiba 30 kabtaa gaaska ay u baahan yihiin waddamada Galbeedka Yurub, iyadoo kal bar la sii mariyo Ukraine.

Dhanka kale kooxaha gooni u goosadka ee taageersan Russia ee degaanada bariga Ukraine ee Donetsk iyo Luhansk ayaa sheegay inay qaban doonaan afti ay ku go’aaminayaan inay ka xoroobaan Kiev iyo in kale.
XS
SM
MD
LG