Hoggaamiyaha mucaaaradka ee Suudaanta Koonfureed Riek Machar ayaa tegey magaalada Addis Ababa halkaas oo u wadahadalo toos ah markii ugu horeysey uu kula yeelan doono Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir tan iyo markii dagaalka uu ka qarxey waddanka bishii December.
Machar ayaa caasimadda Ethiopia tegey habeenkii xaley. Madaxweyne Kiir ayaa la filayaa inuu maanta halkaasi gaaro si uu uga qeyb qaato wadahadalada ay garwadeenka ka yihiin waddamada IGAD.
Madaxweyne Kiir ayaa aqbaley inuu wadahadalo fool ka fool ah la yeesho madaxweyne ku xigeenkiisii hore kadib markii uu toddobaadkii hore uu Juba kula kulmey Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry.