Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal ka Qarxey Bariga Ukraine


Dagaal ayaa maanta ka qarxey goobo ku hareereysan magaalo ku taalla bariga Ukraine oo ay haystaan falaagada, iyadoo ciidamada Ukraine ay bilaabeen hawlgal milateri oo ka dhan ah kooxaha gooni u goosadka ah ee taageersan Russia.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ukraine Arsen Avakov ayaa sheegay in falaagadu ay soo rideen laba diyaaradood oo helicopter ah oo Ukraine leedahay intii u socdey hawlgalka magaalada Slovyansk, halkaasna ay ku dhinteen labadii duuliye.

Avakov waxa auu boggiisa Facebook ku sheegay in Ukraine dooneyso in falaagada ay sii daayaan dadka ay haystaan, hubka iska dhigaan isla markaana ay ka baxaan dhismeyaasha dowladda ee ay haystaan.

Magaalada Moscow, afhayeenka Madaxweyne Vladimir Putin ((Dmitry Peskov)) ayaa sheegay in weerarka Ukraine ee maanta dhacay uu dhaawac xooggan soo gaarsiiyey heshiiskii nabadeed ee aan cagaha badan ku taagneyn e looga gol lahaa in lagu xaliyo xasaradda ka aloosan Ukraine.

Mr. Putin waxaa uu maalintii Khamiista ka dalbadey Ukraine inay dhamaan ciidamadeeda kala baxdo gobolka ay xasaradaha ka aloosan yihiin ee ku dhow xadka Ruushka. Waxaa uu dalabkaasi ku xusey mar uu khadka telefonka kula xiriirey Raiisul Wasaaraha Jarmalka Angela Merkel, oo maanta magaalada Washington kula kulmeysa Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

Shaley, Madaxweynaha Ukraine Oleksandr Turchynov waxaa uu saxiixey wareegto milateri oo lagula tacaalayo rabshadaha soo kordhaya ee ay wadaan kooxaha gooni u goosadka ee Russia taabacsan, kuwaas oo qabsadey dhowr dhisme oo ku yaalla magaalooyinka ay degaan dadka ku hadla afka Ruushka ee nool bariga Ukraine.
XS
SM
MD
LG