Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kerry oo Madaxweyne Kiir Kula Kulmey Juba


Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry ayaa tegey magaalada Juba si uu qeyb uga qaato wadahal ku saabsan qaabka loo soo afjarayo dagaalka ay dadka badan ku dhinteen ee qarka u saaray Suudaanta Koonfureed in dagaal sokeeye uu ka dhaco.

Kerry waxaa uu maanta kulan qaatey saacad ka badan la yeeshey Madaxweyne Salva Kiir. Waxaa kale oo intaa kadib u qorsheysan inuu khadka telefonka kula xiriiro madaxweyne ku xigeenkii hore ahna hoggaamiyaha falaagada Riek Machar.

Kerry waxaa uu sheegay in colaadda taagan ay sabab u tahay xafiltanka u dhexeeya labada hoggaamiye. Waxaa uu sheegay in labadoodaba ay tahay inay cambaareeyaan weerarada waxashnimada ah ee ka dhanka ah dadka aan waxba galabsan.

Mr Kerry waxaa kale oo uu ka shaqeynayaa sidii loo gaari lahaa heshiis ciidamo ka socda Midowga Africa loogu dirayo Suudaanta Koonfureed sida ugu dhakhsaha badan, si gacan ay uga geystaan joojinta dagaalka iyo badbaadinta dadka rayidka ah.

Dagaalka ayaa bilowdey bishii December markii Mr Kiir uu ku eedeeyey Machar inuu isku dayey afgembi milateri.

Colaadda ayaa inteeda badan yeelatey weji ku saleysan qowmiyadaha ay labadaa hoggaamiye u kala dhasheen.

Kumanaan dad ah ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen dagaalka, iyadoo in ka badan hal malyanna ay barakaceen.
XS
SM
MD
LG