Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hoos u Dhac ku Yimid Dhaqaalaha Ruushka

A Ukrainian soldier clashes with a pro-Russia protester in the field near Kramatorsk, in eastern Ukraine April 16, 2014. Ukrainian forces tightened their grip on the eastern town of Kramatorsk on Wednesday after securing control over an airfield from pro-

Dhaqaalaha Ruushka ayaa hoos u dhacay saddexdii bilood ugu horeysey ee sannadkan, iyadoo xasaradda Ukraine ka taagan ay wallaac weyn ku abuurtey maalgeliyeyaasha.

Wasiirka Dhaqaalaha Ruushka Alexei Ulyukayev ayaa sheegay in dhaqaalaha uu kobcay 0.8 boqolkiiba saddexdii bilood ee ugu horeeyey sannadkan. Saadaal horey loo bixiyey ayaa lagu xusey in dhaqaalaha uu kobci doono 2.5 boqolkiiba.

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa xanibaad ku soo rogey hantida qaar ka mid ah dadka Ruushanka ah, isla markaana ka fikiraya inay cunaqabateyn ballaaran ku soo rogaan Moscow iyagoo jawaab uga dhigaya xiisadaha ka taagan Ukraine.

Wasiirka Dhaqaalaha ee Ruushka ayaa sheegey in cunaqabateynta lagu soo rogey uu sababey in dhaqaalaha uu hoos u dhacay 4.8 boqolkiiba sannadkan.

Baanka Adduunka ayaa saadaaliyey in dhaqaalaha Ruushka uu hoos u dhici doono ilaa laba boqolkiiba sannadakan, haddii xasilooni darrada ka sii socota ee Ukraine ay sii socoto, isla markaana ay waddamada reer galbeedka cunaqabateyn dheeri ah ku soo rogaan Ruushka.
XS
SM
MD
LG