Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Nigeria


Nigeria Explosion
Nigeria Explosion
Booliska Nigeria ayaa sheegay in qarax uu ka dhacay goob basaska laga raaco oo ku taalla bartamaha caasimadda dalka ee Abuja, halkaas oo 71 qof ay ku dhinteen, ilaa 124 kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxaa qaraxa uu dhacay xilli dadku ay ku sii socdeen goobahooda shaqada.

Ma jirto cid ilaa iyo haatan sheegatey weerarkan.

Kooxda Islaamiyiinta ee Boko Haram ayaa inta badan geysata weeraro ay dooneyso inay ku gaarto hadafkeeda ah in xukuumad Islaami ah oo adag laga dhiso waqooyiga Nigeria.

Toddobaadkii hore, kooxo looga shakiyey inay ka tirsan yihiin Islaamiyiinta ayaa dilay ugu yaraan 60 qof, weerar ka dhacay gobolka Borno.

Boko Haram ayaa lagu eedeeyey inay ka dambeysey dhimashada kumanaan qof tan iyo markii ay bilowdey hawlgaladeeda dowladda ka dhanka ah sannadkii 2009.

Ururka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa laba toddobaad ka hor sheegay in 1500 oo qof ay ku dhinteen sannadkan oo keliya rabshadaha lagu xiriirinayo kooxda Boko Haram.
XS
SM
MD
LG