Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tirinta Codadka Doorashada Afghanistan

Afghan presidential candidate and former foreign minister Abdullah Abdullah smiles during an interview in Kabul April 9, 2014. Frontrunner to succeed Hamid Karzai as Afghanistan's president, Abdullah, voiced the possibility of teaming up with a rival on W

Mid ka mid ah musharixiinta ugu cad cad tartanka madaxtinimada Afghanistan ayaa sheegay inuu doonayo in si caddaalad ah loo tiriyo codadka doorashadii bishan dhacdey.

Mar wax laga weydiiyey suuragalnimada in la qabto wareeg kale oo doorasho, Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibedda ee Afghanistan, Abdullah Abdullah ayaa VOA u sheegay inay muhiim tahay in tirinta codadka ay noqoto mid hufan oo sharci ku dhisan, iyadoon loo eegayn cidda ku guuleysata.

Guddiga Madaxabanaan ee Doorashada Afghanistan ayaa sheegay in 45 boqolkiiba wax ka badan oo ah codadka la dhiibtey lagu darey diiwaanka electronikada ah, isla markaana qeyb kala dhiman oo natiijada ah aan la shaacin karin ilaa laga wada tiriyo ugu yaraan 20 ka mid ah 34-ka gobolka ee dalku ka kooban yahay.

Natiijada kama dambeysta ayaa la filayaa inay soo baxdo bartamaha bisha May.
XS
SM
MD
LG