Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Q.M. oo Ciidan u Direysa J.A. Dhexe


The central mosque KM5 district of Bangui, Central African Republic, April 6, 2014, photo Bagassi Koura, VOA French.
The central mosque KM5 district of Bangui, Central African Republic, April 6, 2014, photo Bagassi Koura, VOA French.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu meel mariyo hawlgal cusub oo ballaaran oo ciidamo nabad ilaalin ah, oo ka hawlgeli doona Jamhuriyadda Afrikada Dhexe.

Golaha Ammaanka ayaa maalinta Khamiista meel marin doona qaraarkaasi oo ku baaqaya ilaa toban kun oo askari iyo 1,800 boolis ah si ay gacan uga geystaan in sharciga iyo kala dambeynta lagu soo celiyo dalkaasi ay colaaddu ragaadisey.

Sida ku xusan nuqulka qaraarkaasi qabyada ah oo VOA ay aragtey, wazaa ciidamada Qaramada Midoobay ay hawlgeli doonaan bisha September 15-keeda, markaas oo ay hawsha kala wareegi doonaan ciidamada haatan jira ee Jamhuriyadda Afrikada Dhexe.

Ilaa iyo lix kun oo ah ciidamada Midowga Africa iyo laba kun oo askari oo ka socda Faransiiska ayaa awoodi waayey inay xakameeyaan rabshadaha madaahiibta diimaha oo ay ku dhinteen kumanaan qof.

Weerarada ay geysanayaan maliishiyaadka Masiixiyiinta ayaa dhaliyey in Muslimiinta laga tiro badan yahay ay ka cararaan guryahooda, iyadoo badankooda ay tageen dalalka deriska.

Socdaal uu Sabtidii ku tagey caasimadda Jamhruriyadda Afrikada Dhexe ee Bangui, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon waxaa uu ku booriyey golaha inuu degdeg jawaab uga bixiyo talo soo jeedintiisa ku saabsan in la ballaariyo ciidamada nabad ilaalinta.
XS
SM
MD
LG