Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo ka Dhacay Qaahira


Saraakiisha Ammaanka ee dalka Masar ayaa sheegay in sadex qarax ay ka dhaceen banaanka Jaamacadda Qaahira, kuwaas oo ay ku dhinteen General sare oo ka tirsan booliska iyo qof rayid ah, dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jiraan saraakiil sar sare oo boolis ah.

Qaraxyadan dhacay maanta oo Arbaca ah ayaa qeyb ka ah gacan ka hadaladii ugu dambeeyay ee lala beegsanayay ciidamada Amaanka ee Masar.

Qaraxyadan ayaa lala eegtay booliska rabshadaha la dagaalama oo oo fariisin ka sameystay banaanka Jaamacadda Qaahira, si ey uga hortagaan dibad baxayaal taageersan Madaxweynihii xukunka xoogga looga tuuray ee Ikhwaanka dalkaasi ka tirsanaa Maxamed Mursi.

Ma jirto weli cid sheegatay masuuliyadda Qaraxyadan, hase yeeshee mintidiinta Islamiga ayaa horey uga fuliyay dalkaasi weeraro kuwan la mid ah oo lala eegtay ciidamada booliska iyo miltariga, tan iyo markii la tuuray Mursi bishii July ee la soo dhaafay.

Kacdoonka Islamiyiinta ka jira Masar ayaa halis ku haya amaanka dalkaasi, iyadoo la qorsheeyay in Masar ay ka qabsoonto doorashada madaxtinimo bisha May ee soo socota,

Waxaa kaloo ay rabshaduhu saameyn xun ku yeesheen dalxiisii dalkaasi uu sida weyn ugu tiirsanaa.
XS
SM
MD
LG