Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Medvedev oo Booqanaya Crimea


Russian Prime Minister Dmitry Medvedev, center, speaks at a meeting on the economic development of Crimea in Simferopol, Crimea, March 31, 2014.
Russian Prime Minister Dmitry Medvedev, center, speaks at a meeting on the economic development of Crimea in Simferopol, Crimea, March 31, 2014.
Raiisul Wasaaraha Ruushka Dmitry Medvedev ayaa booqanaya gobolka Crimea – waxaana uu noqonayaa sarkaalkii ugu sareeyey ee Ruushan ah oo halkaasi booqda tan iyo markii Ruushka uu gobolkan ka qabsadey Ukraine horaantii bishan.

Mr. Medvedev waxaa uu sheegay inuu horkacayo wafdi ka kooban saraakiil Ruushan ah oo halkaasi u tagey kulan uu ku sheegay mid lagu horumarinayo gobolka.

Kulanka uu maanta Medvedev ku leeyahay Crimea, waxaa uu ku soo beegmayaa maalin kadib markii Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, John Kerry uu ka dalbadey Ruushka inuu dib ula noqdo kumanaanka ka tirsan ciidamadiisa ee la soo dhoobay bariga iyo koonfuurta xadka Ukraine.

Kerry ayaa u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Sergei Lavrov kulankii ay ku yeesheen magaalada Paris in ciidamada Ruushka ay Ukraine ka dhalinayaan xaalad cabsi ah, isla markaana joogitaankooda aaney wax kaalin ah ku lahayn diblomaasiyadda.

Lavrov si toos ah ugana hadlin ciidamada Ruushka. Laakiin waxaa uu tan iyo toddobaadkii hore ku adkeynayey Mareykanka in Ruushka aanu wadin wax qorsho ah oo uu uga gudbayo xadka Ukraine.

Kerry waxaa uu sheegay in isaga iyo Mr Lavrov ay isku afgarteen in shacabka Ukraine ay xaq u leeyihiin inya go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda.
XS
SM
MD
LG