Wafdiga Madaxweynaha dowlada Federalka Somalia Xassan Sheikh Mohamud ayaa caawa ku hoydey magaalada Baydhaba iyagoo kulamo la leh siyaasiin iyo xubno kusugan magaalada Baydhaba. Si rasmi ah uma cadda wali waxa uu madaxweynuhu kala hadli doono dhinacyada maamulada lagaga dhawaaqey magaalada Baydhaba, ee saddexda gobol iyo Lixda gobolba oo uu dhankastaba isagu isu arko inuu yahaya kan saxda ah.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ayaa sheegay in madaxweynu uu haatan kulan la leeyahay dhinacyo kala duwan.
Sahra Abdi Ahmed oo khadka telefoonka ee Baydhabo kula xariirtey ayaa ugu horeyn waydiisey inuu la kulmey labada dhinac mid kood iyo in kale.
Sahra Abdi Ahmed oo khadka telefoonka ee Baydhabo kula xariirtey ayaa ugu horeyn waydiisey inuu la kulmey labada dhinac mid kood iyo in kale.