Waddanka Sacuudi Caraabiya ayaa ku baaqey in hub dheeri ah la siiyo mucaaradka Syria si taasi ay gacan uga geysato dadaalka falaagada ay ugu jiraan in talada laga tuuro Madaxweyne Bashar al-Assad.
Amiirka iska leh dhaxalta taajka boqortooyada Amiir Salman bin Abdulaziz ayaa hadalkan ka jeediyey shir madaxeedka waddamada ku jira Ururka Jaamacadda Carabta oo ka socda dalka Kuwait.
Hoggaamiyeyaasha Carabta ayaa la filayaa inay kulankan u adeegsadaan inay balanqaad taageero hor leh u sameeyaan dalalka deriska la ah Syria, kuwaas oo martigeliyey malaayiin qaxootiga reer Syria oo waddankooda ka soo cararey tan iyo markii colaadda ay dilaacdey bishii March sannadkii 2011ka.
Ergeyga Qaramada Midoobay iyo Jaamacadda Carabta ee arrimaha Syria Lakhdar Brahimi aya la filayaa inuu shir madaxeedka khudbad ka jeediyo, maalin kadib markii uu sheegey in wadahadaladii nabadeed ee loogu talagaley in lagu soo afjaro dagaalka Syria aaney dhowaanahan qabsoomi doonin. Waxaa uu sheegey in shuruudaha lagu xirey sii socoshada wadahadalada aan weli la fulin.
Dowladda Syria iyo mucaaradka ka dhanka ah Madaxweyne Bashar al-Assad waxay horey uga qeybgaleen laba wareeg oo wadahadal ah, kuwaas oo soo afjarmey bishii January, isla markaana aan wax horumar ah laga gaarin.
Brahimi waxaa uu Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay u sheegey in qorshaha Syria ee in doorasho ay dhacdo bisha July, ay mucaaradka ku dhalineyso inaaney wax dan ah ka gelin wadahadal ay la galaan dowladda.