Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dalalka Khalijka oo is Khilaafey


Saudi Arabia, Bahrain iyo Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa sheegey inay dib ugu yeerteen safiiradii ka fadhiyey Qatar, iyagoo ku eedeeyey xukuumadda Dooxa inay fulin weysey heshiis dhanka amniga oo ay wada gaareen dalalka ku jira Golaha Iskaashiga Khaliijka.

War ay sii wadajir ah u soo saareen maalintii Arbacada, saddexda dal waxay sheegeen in Qatar ay saxiixdey heshiiskaasi muddo haatan laga joogo saddex bilood, balse aaney qaadin talaabooyinkii looga baahnaa fulintiisa.

Waxa warkaasi lagu xusey in wasiirada arrimaha dibedda ee Golaha Iskaashiga Khaliijka ay shireen maalintii Talaadada si ay ugu adkeeyaan Qatar muhimadda ay leedahay fulinta heshiiskaasi. Kadib markii wax horumar ah la gaari waayey ayaa Saudi Arabia, Bahrain iyo Isutagga Imaaraadka Carabta waxay go’aansadeen inay danjireyaashooda kala soo baxaan Qatar si ay u dhowraan "amniga iyo xaslinoonida dalalkooda.

Warka ay soo saareen saddexda dal ayaa kagu xusey in Qatar ay tahay xubin muhiim ah oo Golaha Iskaashiga Khaliijka ka tirsan, ayna rajeynayaan inay qaaddo talaabooyin degdeg ah oo ay kaga jawaabto heshiiskii ay hore gashey.
XS
SM
MD
LG