Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliban Pakistan oo Xabbad Joojin ku Dhawaaqdey


Pakistan
Pakistan
Ururka Taliban qaybta waddanka Pakistan ayaa sheegey inuuu iskii u dhaqangelin doono xabbad joojin hal bil socon doonta si fursad loo siiyo inay bilowdaan wadahadalka lala galayo dowladda.

Afhayeenka Taliban ee Pakistan Shahidullah Shahid ayaa hadalkaasi ku dhawaaqey maanta, isagoo sheegey in hoggaanka sare ee ururka uu farey dhammaan ururada hoos yimaada inay u hoggaansamaan xabbad joojinta.

Xabbad joojintan ayaan ku soo beegmeysa iyadoo ciidamada Pakistan ay maalmahan weeraro cirka ah ku hayeen goobaha ay Taliban ku dhuumaaleystaan ee waqooyiga galbeed ee dalka.

Dadaallo hore oo la doonayey in lagu wadahadlo ayaa burburey markii dagaalyahanada Taliban ee waqooyiga galbeed ee dalka ay sheegeen inay dileen 23 ka mid ah ciidamada Pakistan.

Kooxda Taliban ee dalka Pakistan ayaa hadafkeedu uu yahay inay afgembiso dowladda, isla markaana ay waddanka oo dhan ka hirgeliso nidaam Islaami oo xagjir ah.

Taliban ayaa kumanaan reer Pakistan ah ku dishey dagaalka ay ku jirto.
XS
SM
MD
LG