Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yanukovych: Dowladda KMG ee Ukraine waa Sharci Darro


Madaxweynaha talada laga tuurey ee Ukraine Viktor Yanukovych ayaa sheegey in lagu khasbey inuu dalka isaga tago, isla markaana uu diyaar u yahay inuu u dagaalamo mustaqbalka Ukraine.

Shir jaraa’iid oo uu ku qabtey magaalada Rostov-on-Don ee Ruushka, Mr. Yanukovych ayaa sheegey in mucaaradka ka soo horjeeda ay isku dayayaan inay Ukraine ku qabsadaan iyagoo adeegsanaya hab ay dadka ku cabsi gelinayaan iyo cagajugleyn. Waxaa uu dowladda cusub ee KMG ee Ukraine uu ku tilmaamey inay tahay mid sharcidarro ku dhisan.

Yanukovych, waxaa uu intaa ku darey in dhalinyaro aaminsan waxa uu ugu yeerey oa mabda’a faashiistaha ay awoodda la wareegeen, isla markaana ay kooxdaasi tahay mid aad u yar oo laga tiro badan yahay.

Mr. Yanukovych waxaa uu sheegey in sida keliya ee looga bixi karo dhibaatada haatan taagan ay tahay in la dhaqangeliyo heshiiskii hore ay u gaareen isaga iyo mucaaradka, si waddada loogu xaarro doorashooyin qabsooma dhammaadka sannadkan.

Wuxuu kaloo sheegey in loo baahan yahay in baaritaan lagu sameeyo rabshadaha dhacay intii khalalaasaha ay ka jireen Ukraine.
XS
SM
MD
LG