Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Barnaamijka Nuclearka Iran oo Socda


Wakiillo ka kala socda Iran iyo kooxda ka kooban lixda dal ee ugu awoodda roon dunida ayaa maalintii labaad kulan ku leh magaalada Vienna, iyagoo ku guda jira inay ka shaqeeyaan heshiis muddo dheer ah oo lagu xaqiijinayo in barnaamijka nuclearka Iran uu noqdo mid nabadeed.

Kulanka maalinta Arbacada ayaa dabajooga kulan furitaan ah oo afhayeenka madaxa arrimaha dibedda ee Midowga Yurub uu ku tilmaamey mid muhiim ah.

Labada dhinac ayaa isku dayaya inay ka shaqeeyaan fulinta heshiiskii lixda bilood ee ay gaareen bishii November, kaas oo Iran ugu baaqaya inay joojiso barnaamijkeeda, taa beddelkeedana laga khafiifiyo cunaqabateynta saaran.

Ku Xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Iran Abbas Araghchi ayaa maalintii Talaadada sheegey in dalkiisu aanu xiri doonin doonin warshidihiisa nuclearka.
XS
SM
MD
LG