Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mucaaradka Syria oo Taliye Cusub Yeeshay


Jabhadda Free Syrian Army ayaa magacawdey taliye cusub oo ciidamada hoggaamin doona, dhowr bilood kadib markii goobo badan looga qabsadey dagaallo ay la galeen ciidamada dowladda iyo jabhadaha Islaamiga ah.

Jabhaddan muslimiinta qunyar socodka ah oo taageero ka hesha dalalka reer galbeedka ayaa sheegtey in kartidarri laga dareemey taliyihii hore Salim Idris, ay keentey in lagu beddelo taliye cusub oo magaciisa la yiraahdo Abdul-Ilah al-Bashir.

Xafiiska Guddoomiyaha Isbahaysiga Mucaaradka Syria Ahmad ayaa bogaadiyey talaabadan lagu magacaabay taliyaha cusub, waxaana war uu soo saarey lagu xusey sida mucaaradka ay uga go’an tahay inuu iska difaaco, lana dagaalamociidamada dowladda iyo maliishiyada xiriirka la leh Al Qaacida.

Dhanka kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, John Kery ayaa sheegey in dowladda Syria ay isku dayeyso inay awood milateri kaga adkaato mucaaradka, is la markaana Ruushka uu taasi u fududeynayo Madaxweyne Bashar Al Assad.

Kerry waxaa uu magaalada Jakarta ka sheegey in istaraatijiyadda Syria ay caddahay, isla markaana ay weeraro culus ku hayso shacabka, iyadoo taageerada Ruushka ee isugu jirta hubka iyo kaalmada kaleba ay ka saacideyso Mr Assad inuu xal milateri u raadiyo dagaalka sokeeye ee muddada saddexda sanno ka socdey Syria.
XS
SM
MD
LG