Isku xirrada

War Deg-Deg ah

London: Muran ka Dhashay Korinta Gabadh Yar


Maalmihii la soo dhaafay waxa magaalada London ee dalka Britain ka taagnaa muran u dhexeeya qaar ka mid ah bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan magaaladaasi iyo masuuliyiinta degmada Harrow oo ka tirsan isla magaalada London, kadib markii xafiiska bulshada qaabilsan ee degmadaasi uu soo saaray in gabadh yar oo sadex jir ah lagu wareejiyo laba dumar ah oo aan Islaam ahayn isla markaana is qaba.
Gabadha yar ayaa la sheegay in hooyadeed iyo aabeheed xanuun dhinaca maskaxda ahi ku dhacay.

Qoyska gabadha yari ka dhalatay ayaa sidoo laba caruur ah oo ka waawaynaana loo dhiibay haweenay Eritrean ah oo korinasa, hal wiilna uu xabsiga kaga jiraa.

Hadaba Sahra Ciidle Nuur ayaa khadka telephone ka kula xidhiidhay Deeqa Caydiid Cabdilaahi oo ka mid ah ehelada qoyskan mushkiladdu soo wajahday, waxanay ugu horayn waydiisay bal sidii arintani ku soo bilaabantay.


please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:48 0:00
XS
SM
MD
LG