Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ruushka: Waa Qalad in Iran Laga Reebo Shirka Syria


Russia Norway
Russia Norway
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegey in go’aanka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon uu kaga joojiyey Iran inay ka qeybgasho wadahadalada nabadeed ee Syria uu ahaa go’aan qaldan, balse aanu ahayn mid waxyeelo badan geysan kara.

Mr Lavrov, ayaa hadalkan jeediyey kadib markii Mr Ban uu sheegey in Iran aaney ka mid noqon doonin 30ka dal ee lagu martiqaadey wadhadalada ka furmaya magaalada Montreux ee dalka Switzerland.

Iran ayaa ka hor timid fikirka ah in dowlad KMG ah laga dhiso Syria, iyadoo afhayeenka Mr Ban, Martin Nesirky uu sheegey in talaabada xukuumadda Tehran ay ku diiddey inay ku aqbasho qodobka salka u ah wadahadalada aaney la jaanqaadeyn balanqaadkii hore ee Iran ee ahaa inay door wanaagsan ka qaadaneyso xalinta mushkiladda Syria.

Waxaa uu sheegey in kooxaha ka jira Syria, dalalka gobolka iyo beesha caalamka ay haystaan fursad iyo waajibaad ka saaran inay soo afjaraan dagaalka, iyo in la bilaabo xilli cusub oo ku meel gaar ah oo ay yeelato Syria-da cusub.

Kulanka dhacaya maalinta Arbacada ayaa fursad u siin doona wufuudda inay diiradda saaraan dadaalka nabadeed, ka hor intaanu shirku u gudbin magaalada Geneva, kaas oo gaar u noqon doona kooxaha isku haya Syria, iyo wakiilka Qaramada Midoobay iyo Jaamacadda Carabta, Lakhdar Brahimi.

Mareykanka iyo Ruushka ayaa horkacayey dadaalka la doonayey in lagu abaabulo wadahadalo ku saleysan heshiis sannadkii 2012ka la gaarey oo la doonayey in xal nabadeed loogu helo mushkiladda Syria.
XS
SM
MD
LG