Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wicitaanka: Seynab Maxamed Xassan


Magaalada Muqdisho waxaa dhawaan looga dhawaaqay in la furi doono Maktabaddii Qaranka ama ummadda oo ku burburtay dagaalkii ka dhacay Soomaaliya horraantii 1991kii.

Masuuliyiinta ku howlan dib u dhiska maktabaddan ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay hayaan 22 kun oo buug oo uu ku kaalmeeyay maktabadda mudane ka tirsan congresska Mareykanka.

Maamulaha Mashruuca Saynab Xasan, oo marti ku ah barnaamijka wicitaanka dhageystaha ayaa su’aalo la xiriira maktabaddan ka jawaabeysa.

Mashruucan lix bilood ayuu soconayaa, waxaana la qiyaasayaa dhismaha xaruntan inay ku baxeyso lacag gaareysa ilaa iyo $ 1,000,000 oo dollar.

Barnaamijka qeybaha hoose ee qoraalkan ka dhageyso.


please wait

No media source currently available

0:00 0:21:33 0:00
XS
SM
MD
LG