Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda Caalamka oo ka Qeybgalaysa Tacsida Mandela


In kabadan 80 hoggaamiyeyaal oo ka socda caalamka ayaa ka qeybgalaya xus tacsi ah oo loo sameynayo hoggaamiyihii hore ee Koonfur Africa Nelson Mandela kaasoo maanta lagu qabanayo garoonka ciyaaraha Johannesburg.

Madaxda ka qeygalaysa waxaa kamid ah, madaxweynaha Maraykanka, RW Britain, Madaxweynaha Faransiiska, XGQM, ra'iisul-wasaarayaal, boqorro iyo madax kale oo ka kala socda caalamka.

Saraakiisha Koonfur Africa ayaa sheegay inay jirto "daneyn aan horey loo arag" oo madaxda caalamku ay ku doonayaan inay kaga qeyb galaan tacsida Mandela ee maanta lagu qabanayo magaalada Johannesburg.

Hogaamiyeyaasha u ballansan inay khudbado tacsida maanta ka jeediyaan xuska maanta waxa ka mid ah Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, madaxweynaha Kuba Raul Castro iyo madaxweynaha Brazil Dilma Rousseff.

Dhacdada ayaa ka dhici doonta gegida ciyaaraha ee magaalada Johannesburg oo ah kii lagu qabtay ciyaartii kama dabmeysta ahayd ee Koobka Adduunka.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama waxaa safarkan ku weheliyo oo tacsidan kala qeybgalaya madaxweynayaashii hore ee Maraykanka, George Bush, Bill Clinton iyo Jimmy Carter.

Xuska baroordiiqda ee ka dhacaya garoonka Johannesburg waxaa sidoo kale ka qeybgalaya ku dhawaad 90 kun oo qof.

Nelson Mandela ayaa maalinta Axadda ah ee 15 December waxaa lagu aasi doono magaalada Qunu.

XS
SM
MD
LG