Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibadbaxyo Waaweyn oo ka Socda Dalka Thailand


Dibadbaxayaal dawladda Thailand ka soo horjeeda ayaa qabsaday dhismaha Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Bangkok. Dibadbaxyaasha ayaa ku hanjabay in dhismayaal kale oo dawladdu leedahay ay qabsan doonaan, iyaga oo dadaal ugu jira sidii ay u ridi lahaayeen xukuumadda Ra’iisal Wasaare Yingluck Shinawatra.

Dad badan oo dibadbaxayey ayaa Isniinta maanta ah ku xoomay daaradda wasaaradda, ka dibna dhismaha gudaha u galay. Qaar kale oo dibadbaxyaaasha ka mid ah ayaa magaalada dhex socday, iyaga oo tagey dhowr hay’adood oo kale oo ay dawladdu leedahay. Goobahaas waxa mid ahaa xarumaha militariga iyo booliiska, iyo dhismayaasha dhowr telefishan oo dawladda taageera.

Dibadbaxayaasha ayaa doonaya in RW-e Yingluck ay is casisho, iyada oo ay jiraan hadallo oranaya in walaalkeed Thaksin Shinawatra oo dalka dibadda uga maqan, horayna Ra’iisal Wasaare ahaa, uu yahay ka isaguna dalka si dadban u maamula.

Kumanaan dawladda taageersan ayaa iyaguna iskugu soo baxay gegida ciyaaraha ee magaalada Bangkok. Dadkan ayaa wacad ku maray in aanay goobta ka tageynin illaa mucaaradku uu joojiyo dibadbaxyadiisa. Dad badan oo reer Thailand ah ayaa ka baqaya in iska hor imaad dhiig ku daato uu ka dhex bilowda labada kooxood.
XS
SM
MD
LG