Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo Siideysay Maxaabiis Falastiiniyiin ah.


Israel ayaa xalay sii deysay 26 maxaabiis Falastiiniyiin ah kuwaasoo qaarkood ku jiray xabsiyada Israel muddo ka badan 20 sano.

Talaabadan ayaa waxay qeyb ka tahay heshiika uu Maraykanku gadhwadeenka ka yahay ee dib loogu soo nooleynayo wadahadalladii nabadda ee u dhaxeeyay Falastiin iyo Israel kuwaasoo istaagay saddex sanno ka hor.

26-ka maxbuus ee la sii daayay ayaa sidii geesiyaal oo kale loogu soo dhaweeyay daanta Galbeed iyo Marinta Gaza.

Siideyntan ayaa ah qeybtii labaad ee afar qeybood oo Israel ay ku sii deynayso 104 maxbuus oo Falstiiniyiin ah. Qeybtii u horreysay waxaa la sii daayay bishii August.

Dad badan oo u dhashay Israel ayaan ku faraxsanayn go'aanka lagu sii daayay maxaabiista.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in tani tahay farxad, wuxuuna sidoo kale sheegay in qeybaha dhimman maxaabiistana la sii deyn doono, isagoo dhinaca kale hoosta ka xariiqay in aanu jirin doonin heshiis aanay ku jirin siideynta maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku jira jeelasha Israel.
XS
SM
MD
LG