Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nawaz Sharif oo Booqasho ku Jooga Washington


Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa kulan la yeeshay Ra’isul wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif, uu uu kulan afar maalmood qaadanaya uu uga bilowday magaaladan Washington.

Mr. Sharif ayaa sidoo kale la kulmi doona dhowr ka mid ah xubnaha aqalka Congresska iyo madaxweyne Obama maalinta arbacada ee soo socota.

Ra’isul wasaaraha Pakistan Newaz Sharif ayaa laga filayaa inuu u adeegsado booqashadiisa Washington inuu xoogga ku saaro arimaha abuuray mad madowga sanadihii ugu dambeeyay soo kala dhexgalay xukumadaha Washinton iyo Islamabad.
XS
SM
MD
LG