Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo Culus oo ka Dhacay Lubnaan


Laba baabuur oo laga soo buuxiyay waxayaabaha qarxa ayaa lala beegsaday laba masjid oo ku yaalla magaalada Tripoli ee Lubnaan oo lagu tukanayay salaaddii Jimce.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegtay in mid ka mid ah labada qarax lala beegsaday Masid Al Taqwa, halkaasi oo uu inta badan ku tukado Sheekh caan ah oo ka mid ah culimada sunniga ah ee sida weyn u dhaleeceeya kooxda shiicada ee Xizbullah.

Xiisadda u dhaxaysa dadka shiicada ah iyo sunniyiinta ku nool Lubnaan ayaa sii korortay tan iyo intii dagaalku ka bilawday dalka ay deriska yihiin ee Syria.

Dadka shiicada ayaa aad u taageersan maamulka madaxweyne Bashaar al Asad oo ay gacanta ku hayaan Calawiyiinta oo caqiida ahaan u dhow shiicada, laakin dadka sunniyiinta ah ee Lubnaan ayaa taageersan kooxaha ka soo horjeeda dawladda Syria o u badan dadka sunniyiinta ah.

Kooxda Xizbullah ayaa hore u sheegtay inay qayb ka yihiin dagaalka ka socda Syria iyaga oo taageeraya ciidamada maamulka Bashaar al Asad.

Qarxaydan maanta ayaa ku soo beegmaya iyada todobaadkii hore ay koox sunniyiin ah oo isku magacaabay “Guutada Caa’isha Bintu Abibakar” ay sheegteen inay ka dambeeyeen qarax ka dhacay xaafadda ay ku badanyihiin taageerayaasha Xizbullah, kaasi oo ay ku dhinteen 22 qof.
XS
SM
MD
LG