Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Falastiin iyo Israel oo Maanta Kulmaya


Xubnaha wadahadalada u qaabilsan Israel iyo Falastiin ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah ay ku kulmaan magaalada Washington. Saraakiishan wadaxaajoodka u qaabislan labada dhinac ayaa kulankoodu noqonayaa mid gogol xaar ah, si dib loogu noqdo wadahadaladii nabadda oo aan qabsoomin muddo ku dhow saddex sanadood.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa marti galinaya labada sarkaal ee ugu sareeya wadahadalka Tzipi Livni oo Israel ka socota iyo Saa’ib Cureyqaat oo Falastiin ka soca. Xubnahan ayaa ku kulmaya xaflad Afur ah oo fiidka maanta ah dhacaysa si ay wadahadalada u bilaabaan. Labada dhinac ayaa kulamo dheeraad ah iskugu iman doona Talaadada berrito ah.

Kerry ayaa sheegay in uu aad uga mahad celinayo hogaamiyeyaasha Falastiin iyo Israel oo muujiyey inay daneynayaan inay go’aamo ad-adag qaataan si meesha hadda la joogo loo soo gaaro.

Axaddii shalay ayaa RW Israel Benjamin Netanhayu uu cadaadis badan ku saaray xubnaha xukuumaddiisa si loo sii daayo maxaabiis reer Falastiin ah.

104 maxbuus reer Falastiin ah ayaa afar mar oo kala duwan la sii deyn doonaa. Hase yeeshee Pzipi Livni ayaa sheegtay in sii-deynta maxaabiistan ay sii socon doonto oo kaliya haddii Falastiiniyiintu ay muujiyaan go’aankooda ku aaddan sii wadista wadahalada.
XS
SM
MD
LG