Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Telefoon kula Hadlay M. Morsi



Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ku boorriyey hogaamiyaha Masar Maxamed Morsi inuu muujiyo inuu ka jawaabayo cabashada mucaaradka dibadbaxaya.

Dalka Masar waxa ka dhacay dhowr maalmood oo dibadbaxyo waaweyn ah, iyada oo qaar badan oo dadkaas ka mid ahina ay dalbanayaan in Mursi uu xilka ka dego. Gacan ka hadal ayaa meelaha qaar ka dhacay, iyada oo ay dhinteen ugu yaraan 16 qof.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Mr. Obama welwelka uu xaaladda Masar ka qabo uu telefoon ugu sheegay madaxweyne Maxamed Mursi. Obama ayaa sheegay in Maraykanku uu taageerayo hanaanka dimoqraadiga ah ee dalka Masar ka jira, isla markaana uuna taageeraynin xisbi gaar ah ama koox gaar ah.

Mr. Obama ayaa sidoo kale sheegay in uu aad uga welwelsan yahay gacan ka hadalka, gaar ahaan kufsi loo geytay dumar reer Masar ah.

Xafiiska madaxweyne Mursi ayaa diiday xiligii kama dambeysta ahaa ee ciidanku maalintii shalay ahayd uu qabtay, arrintaas oo ahayd in madaxweyne Mursi iyo mucaaradku ay xal ka gaaraan kala duwanaanshahooda. Ciidanka ayaa qabtay muddo 48 saacadood ah in lagula yimaaddo qorshe dhibta lagaga baxo.
XS
SM
MD
LG