Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Macalimiinta Dugsiyada Kenya oo Shaqada Joojiyay


Macalimiinta dugsiyada dowladda ee Kenya ayaa ku dhaqaaqey shaqo joojin baahsan iyagoo ka cabanaya dowladda oo ku guuldareysatey inay bixiso gunnooyinka macalimiinta.

Shaqo joojintan ayaa saameyn ku yeelan doonta kumanaan ardey oo gobollada kala duwan ee Kenya ku dhaqanm, iyadoo dugsiyada keliya ee haatan shaqeynaya ay yihiin kuwa gaarka loo leeyahay oo tiro ahaan aad u yar.

Macalimiinta aya dalbanaya in loo kordhiyo gunnooyin kala duwan sida guryaha, caafimaadka, gaadiidka iyo kuwo kale. Waa shaqo joojintii toddobaad ee heer qaran ee macalimiintu ku dhaqaaqaan tan iyo sannadkii 2007da. Caasho Ibrahim Adan ayaa shaqo joojintaas ka wareysatey Ibrahim Atosh oo ka tirsan mas’uuliyiinta ururka qaranka macalimiinta Kenya.


please wait

No media source currently available

0:00 0:05:37 0:00
XS
SM
MD
LG