Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mucaaradka Syria oo Hubkii loo Fasaxay


Go’aanka cusub ee Midawga Yurub ayaa yimid kadib markii 27ka dal xubnaha ka ah ururku ay Isniintii si kulul uga doodeen meel marinta go’aanka.

Waxaanay ugu dambayntii ku heshiiyiin in mucaaradka Syria hub la siiyo isla markaana dawladda Syria lagu sii wado xayiraaddii saarnayd.

Isbahaysiga ugu wayn mucaaradka Syria ayaa fursad u helaya in la siiyo hubka Midawga Yurub.

Xogahayaha arrimaha dibadda ee Britain William Hague ayaa sheegay inaanay imika jirin qorshayaal deg deg ah oo hub loogu dirayo mucaaradka ka dagaallamaya gudaha Syria.

Faransiiska iyo Britain ayaa ahaa labada dal ee sida wayn ugu ololaynayay in xayiraadda hubka laga qaado mucaaradka Syria.

Austria iyo Sweden ayaa si adag uga soo horjeeday go’aankaasi iyaga oo u arkayay in tallaabadani ay uga sii dari doonto dagaalka sokeeye ee ka jira Syria.

Golaha arrimaha dibadda u qabilsan Midawga Yurub ayaa sheegay in g’oaankan lala socodsiin doono Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, isla markaana laga war sugi doono xaaladda uu ku dambeeyo shirka nabadda Syria ee u abaabulkiisu socdo.

Mawqifka Maraykanka iyo Ruushka

Go’aanka Midawga Yurub ayaa ku soo beegmaysa iyada oo Maraykanka iyo Ruushku ay dadaal ugu jiriin sidii loo qaban lahaa shir ku saabsan nabadda Syria.

Isbahaysiga ugu wayn mucaaradka Syria oo haysta aqoonsiga Midawga Yurub ayaan wali go’aan ka gaadhin ka qaybgalka shirka nabadeed.

Isbahaysiga ayaa waxaa ka dhex jira khilaaf u dhexeeya ururada mucaaradka ah ee ku bahoobay.

Dawladda Syria ayaa sheegtay inay ogoshahay ka soo qayb galka shirka nabadda.

Dawladda Ruushka ayaa Isniinti mar kale ku celisay in Iran lagu soo daro shirka nabadda ee Syria. Ruushka Iyo Iran ayaa ah taageeryaasha ugu way nee dawladda Syria.

Maraykanka ayaa muddo badan ku cambaaraynayay Iran in ay qayb ka tahay mashaakilka ka taagan Syria.

Dhinaca kale Mudanaha ka tirsan golaha Senate-ka ee Maraykanka John McCain ayaa booqasho lama filaan ah ku tagay gudaha Syria si uu ula kulamo dagaalyahanada mucaaradka.

Urur ay xaruuntiisu tahay Maraykanka oo lagu magacaabo ururka gurmadka deg degga ah ee Syria ayaa sheegay inay ku marti qaadeen Senator McCain in uu booqdo Syria.

Guddoomiyaha Ururkaasi Mouaz Moustafa ayaa sheegay in ujeedada booqashadu ay tahay sidii looga fiirsan lahaa inaan hubku gacanta u galin ururada xag jirka ah ee ka mid ah mucaaradka Syria.
XS
SM
MD
LG