Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pakistan: Siyaasi lagu Dilay Banaanka Hoygeeda


Siyaasiga Imran Khan horena u ciyaari jiray ciyaarta cricket-ka, ayaa dilka sarkaal sare oo ka tirsan xibigiisa ku eedeeyey inay ka danbeeyeen xisbi ay iska soo horjeedaan, iyadoo magaalada Karachi-na ay dadkau codkooda ka dhiibayaan doorashada baarlamaanka ee ku celiska ah taasi oo hore loo qabtay todobaakdii tegay.

Khan oo hogaamiya Xisbiga Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ayaa toogashada Zahra Shahid Hussain ee Sabtidii shalay ku eedeeyey inay ka danbeeyaan Xisbiga Muttahida Qaumi Movement ama MQM.

Madaxa MQM Altaf Hussain oo musaafuris ku jooga magaalada London, ayaa iska fogeeyey in dilka haweeneyda ay wax lug ah ku leeyihiin xisbigiisu waxa uuna dhaleecey dilkeeda.

Booliiska ayaa sheegay in Zahra Shahid Hussain ay toogteen laba nin oo la gareyn iyadoo joogtay banaanka gurigeeda oo ku yaalla magaalada Karachi. Waxa ay ku dhimatay jidka intii loo sii waday isbitaalka ka dib markii madaxa laba jeer xabbad looga dhuftay. Afhayeen u hadlay xisbigeed ayaa sheegay in toogashadu ay aheyd fal argagixisanimo.

Zahra Hussain waxay madaxweyne ku xigeenka ka aheyd xisbiga PTI, kaasoo kaalinta seddexaad ka galay doorashooyinkii baarlamaanka ee dalkaasi ka dhacay todobaadkii hore, xisbiga ayaa sidoo kale MQM ku eedeeyey inay ku shubteen doorashada. Eedaha kushubashada ayaa keenay in doorashada lagu celiyo, waxaana Axaddan maanta la adkeeyey amaanka goobaha ay dadku codkooda ka dhiibanayaan.
XS
SM
MD
LG