Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kuuriyada Woqooyi oo Gantay Seddex Gantaal


Wasaaradda Gaashaandhiga ee Kuuriyada Koofureed, ayaa sheegtay in Kuuriyada woqooyi ay seddex gantaal oo kuwa riddada gaaban ah ku gantay Badda Bari tasoo loo yaqaan Badda Japan, waxaana ay tijaabadani qayb ka tahay sida muuqata dhoolatuska milateri ee Kuuriyada Woqooyi.

Wasaaradda ayaa intaa ku dartay inay ogaatay in labada gantaal la ganay subaxnimadii Sabtidan maanta ah, halka gantaalka kalena ay kuuriyada woqooyi ridday gelinkii danbe ee isla maanta.

Saraakiisha Kuuriyada Koofureed ayaa sheegay in aaney caddeyn ujeedada ay Kuuriyada Woqooyi u qaadday talaabadan.

Kuuriyada Woqooyi ayaa si joogta ah u tijaabisa gantaalaha ridada gaaban ee nuucaan oo kale ah, taasoo qeyb ka ah dadaalka ay ku hormarineyso cududdeeda.

Rididda gantaalahan ayaa imaaneysa waqti ay aad u kacsan tahay xiisadda u dhaxeysa labada Kuuriya.
XS
SM
MD
LG