Tababaraha Kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa ku dhawaaqay inuu ciyaaraha ka fariisanayo, marka uu dhamaado xilli ciyaareedkaan oo ay ka harsan yihiin oo kaliya 2 kulan.
ku dhawaaqistiisa ayaa imaneysa ka dib markii uu dhowr todobaad ka hor ku guuleystay horyaalkiisii 13aad ee dalka Ingiriiska, guud ahaanna waxa uu ku guuleystay 38 koob intii uu macalinka u ahaa Mancherster United
Macalinka Man U oo ka hadlayey ka fariisashadiisa tababaranida kooxda ayaa u mahadceliyey dhamaan ciyaartoydii soo martay kooxda intii uu macalinka ka ahaa kooxda, isagoo xusay in la’aantood aanu gaareen guusha ay kooxda ku talaabsatay 26kii sano ee uu macalinka ka haa.
Sir Alex Ferguson waxa 71 jir, waxa uuna haatan kooxda u noqonayaa agaasime iyo safiir, fidiya magaca wanaagsan ee kooxda.
Waxaa durba bilaawday cidda badaleysa macalin Alex fergusan oo ay warbaahintu isla dhex mareyso inuu noqon doonaan tababaraha Everton ee David Moyes, waxaa sidoo kale iyana la hadal hayaa in Jose Morinho oo xilli ciyaareedkaan markuu dhamaado ka tagi doona Real Madrid laga yaabo inuu qabto Manchesr United.
Macalin kasta Man U qabtaba, waxaa horyaal buuxinta meel uu ka baxay libaax ay ka baqaan bahda ciyaaraha ee ingiriiska oo xataa ay warbaahinta iyo garsoorayaashu ku jiraan.
Warbixin iyo falanqeyn ku saabsan iscasilaadda Macalinka Manchester United halkan hoose ka dhageyso.