Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maalinta Shaqaalaha Adduunka oo Maanta la Xusayo


Shaqaale ku nool meelo kala duwan oo dunida ah ayaa maanta oo Arbaco ah waddooyinka iskugu soo baxay, si ay u muujiyaan Maalinta Shaqaalaha Adduunka oo maanta ku beegan. Maanta waxa sidoo kale loogu yeeraa Maalintii bisha May. Shaqaalahaas waddooyinka iskugu soo baxay ayaa codsanayey in lacagaha ay ku shaqeeyaan loo kordhiyo iyo in xaaladaha ay ku shaqeeyaan la wanaajiyo.

Ururka shaqaalaha Giriiga oo maanta shaqo joojin sameeyey ayaa falkoodaasi waxa uu carqaladeeyey hawlihii doonyaha waaweyn oo ka hawlgala jasiiradaha dalkaas Giriiga. Waxa sidoo kale uu carqaladeeyey gaadiidkii dadweynaha ee magaalada xarunta ah ee Athens, halkaas oo ay dadku ka dibadbaxayaan siyaasadaha gunti isku-giijiska dhaqaale ee dabada dheeraaday.

Xoogsatada dalka Spain, dalkaas oo heerka shaqo la’aantu uu gaarey 27%, ayaa iyaguna iskugu soo baxay si ay u sheegtaan codsigooda ah in siyaasadaha dhaqaalaha wax laga beddelo.

Dalka Philippines, dibabaxayaasha ayaa gaardis ku marayey magaalada xarunta ah ee Manila, iyaga oo dawladda ka dalbanaya in iyaga aanay shaqo la’aani ku dhicin. Waxa kale oo ay dawladda ka codsadeen in dawladdu ay joojiso inay qorato shaqaalaha qandaraaska ku shaqeeya, si aanay iyagu shaqo u waayin.

Shaqaalaha dalka Cambodia ayaa iyaguna sharci-dejiyeyaasha dalkooda ugu baaqan in kor loo qaado lacagaha ay ku shaqeeyaan shaqaalaha dawladdu.

Dalka Turkigana, booliiska magaalada Istanbul ayaa Arbacadan maanta ah ay iska horyimaadeen dad ku dibad baxayey fagaaraha Taksim, halkaas oo caado u ah in sanad walba ay maanta oo kale shaqaaluhu iskugu soo baxaan.
XS
SM
MD
LG