Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maduro oo ku Guuleystay Doorashadii Venezuela


Nicolas Maduro oo sii hayey xilka madaxweynaha dalka Venezuela ka dib geeridii Madaxweyne Hugo Chavez, ayaa ku guuleystay doorashadii Axaddii shalay ka dhacday dalkaasi.

Guddiga Doorashada ee dalka ayaa shaaciyey in Maduro uu ka guulaystay hogaamiyaha mucaaradka Henrique Capriles saacdo ka dib markii ay soo xirmeen dhamaan goobihii codbixinta ee dalka.

Taageerayaasha Maduro ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada caasimadda ah ee Caracas iyagoo u dabaal dagaya guusha ninka uu soo xulay madaxweynihii geeriyooday ee Hugo Chavez.

Maduro waa 50 jir waxaa uuna hore u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka, isagoo ka hor siyaasadana ahaa wade bas. Waxaana isagoo la hadlayey taageerayaashiisa oo isu soo baxay uu sheegay inuu sii wadi doono halgankii iyo himiladii Hugo Chavez.

Hogaamiyaha Mucaaradka Capriles ayaa qaadacay natiijada doorashada, waxaana uu ku tilaamay inay tahay mid aan sharci ahayn oo lagu shubtay.
XS
SM
MD
LG