Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kerry: Caalamku Ma Ogola N. Korea Nuclear Leh


Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry ayaa maanta oo Jimce ah gaaray magaalada Seoul, xilli uu jiro walaac laga qabo in kuuriyada Woqooyi ay dhawaan tijaabin doonto gantaal kale oo daandaansi ah.

John Kerry ayaa sheegay inay tahay qalad wayn hadii Kuuriyada Woqooyi ay ka dhabeyso hanjaabadeeda ah inay gantaal kale tijaabineyso.

Kerry oo uu hareer taagan yahay dhigiisa Kuuriyada Koofureed Yun Byung-se, ayaa sheegay in Kuuriyada Woqooyi aan beesha caalamku marna u ogolaan doonin inay noqoto wadan haysta hubka nuclearka.

Kerry ayaa sheegay in Wasaaradda Gaashaandhiga ee Mareykanku ay rumaysan tahay in Kuuriyada Woqooyi aaney awoodin in nuclear ay ku xirto gantaalada ridada dheer, walow ay jiraan warar sir ah oo laga helay sirdoonka Mareykank oo sheegaya in Kuuriyada Woqooyi ay leedahay awoodaas leedahay.

Saraakiisha Mareykanka ee ku sugan Seoul ayaa sheegaya in aaney jirin wax calaamad ah oo muujinaya in kuuriyada Woqooyi ay qarka u saran tahay inay tijaabiso Gantaalka Musudan,kaasi oo la rumeysan yahay inuu gaari karo 3,500 KM, uuna gaari karo saldhigyada Mareykanku uu ku leeyahay Japan iyo Guam.

Kuuriyaa Koofureed ayaa sheegtay in loo maleenayo in Kuuriyada Woqooyi ay tijaabada gantaalka ku beegi doonto maalinta Isniinta oo ku aadan dabaal-dagga sanad guurada markii uu dhashay hogaamiyihii asaasaay Kuuriyada Woqooyi Kim Il Sung oo ku aadan Isniinta soo socota.
XS
SM
MD
LG