Madaxweynaha cusub ee Kenya ayaa maanta xilka madaxweynaha loogu dhaariyey munaasabad ka dhacday garoonka Kasarani Stadium ee Nairobi.
Uhuru Kenyatta oo la Caleemo-saaray
5
Kooxda ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo maaweelinaysa martidii ka soo qeyb gashay xafladda caleema-saarka oo ka dhaceysay garoonka Kasarani ee magaalada Nairobi.
6
Qof ka mid ah kooxda ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Kenya oo martida maaweelinaya ka hor inta aan la dhaarin Uhuru Kenyatta.
7
Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo markii la dhaariyey kadib seef gaara oo muujineysa inuu la wareegay awooddii dalka Kenya ka guddoomay madaxweynaha xilka wareejiyey ee Mwai Kibaki.
8
Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo xaaskiisa Margaret oo dadweynihii munaasabadda caleema-saarkiisa u gacan haadinaya