Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mucaaradka Djibouti oo Baarlamaan Cusub Dhisaya


Xisbiyada Mucaaradka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ku dhawaaqay inay soo dhisayaan baarlaman cusub oo matalaya dalka Djibouti. Mucaaradku waxay sheegeen in Xisbiga mucaaradka ee SNU uu boqolkiiba 80% qaadan doono kuraasta baarlamaanka cusub ee ay sameynayaan, halka 20% ay qaadan doonaan xisbiga talada haya UPN iyo CDU oo isna ah xisbi mucaarad oo dhex-dhexaad ah.

Maxamed Axmed Yuusuf Afhayeenka Isbahaysiga Mucaaradka Jabuuti, ayaa VOA uga waramay inay sida ay ugu dhaqsiyaha badan u soo dhisayaan baarlamaan cusub.

Mucaaradka ayaa sheegay inaysan aqoonsanayn dib u doorashada guddoomiyhii hore ee baarlamaanka oo dib loogu doortay afhayeenka baarlamaanka cusub ee Djibouti.

Golaha dastuurka Djibouti ayaa horey ugu dhawaaqey in xisbiga talada haya uu 80% uu ku guuleytay doorashadii baarlamaanka ee bishii hore lagu qabtay Djibouti.

Dhinaca kalena, guddoomiyaha Baarlamaanka cusub ee Djibouti Idiris Aarnauud Cali, ayaa si kuluul ugu gacan seydhay go'aanka mucaaridku ay ku sheegeen inay soo dhisayaan baarlamaan cusub oo matalaya Jabuuti. Idiris ayaa qorshaha mucaaradka ku tilmaamay mid ka baxsan sharciga iyo xeerarka Jabuuti.

Wareysida Maxamed Axmed Yuusuf iyo Idiris Aarnauud Cali qeybta hoose ka dhagayso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:09 0:00
XS
SM
MD
LG