Isku xirrada

War Deg-Deg ah

N.Korea oo ku Hanjabtay inay Weerareyso USA


Warbaahinta dowladda Kuuriyada Wuqooyi ayaa sheegtay in hogaamiyaha dalka Kim Jong Un uu amar ku bixiyey diyaargarowga weeraro gantaalo ah oo lagu qaado saldhigyada milateri ee gobalka iyo dhulka Maraykanka, ka dib markii laba diyaaradaha dagaalkaa ee Maraykanka ahi ay tababarro ku sameeyeen hawada Kuuriyada Koofure.

Wakaaladda Wararka ee Kuuriyada Wuqooyi ayaa sheegtay in Mr. Kim uu Jimcadan maanta ah heegan galiyey ciidamada Gantaalaha ee dalka, ka dib markii uu xalay saqdii dhexe wadahadalo degdeg ah la yeeshay saraakiisha ugu sareysa ciidamada. Amarkan ayaa yimid saacado ka dib markii Diyaaradaha awoodda u leh inay xanbaaraan nuclear-ka ee Maraykanka ee lagu magacaabo B- 2 oo la keenay Kuuriyada Koofure ay dhaqdhaqaaq milateri sameeyeen.

Diyaaradaaha xanbaara nuclearka ee Maraykanka ayaa Khamiistii shalay sameeyey dulimaad qaatay labaatan kun oo KM oo aan kala joogsi lahayn, iyagoo ka duulay saldhig ay ciidamda cirku ku leeyihiin bartamaha Maraykanka, gaarayna jasiirad ku taalla galbeedka koofure ee gacanka Kuuriya, ka hor intii aaney ku soo laaban saldhigoodii.

Dhaqdhaqaaqan Maraykanka ayaa imanaya iyadoo ay isasoo tarayaan hanjabaadaha Kuuriyada Wuqooyi ee ka dhanka ah Maraykanka iyo Kuuriyada Koofure. Pyongyang ayaa joojisay gabi ahaanba xiriiradii wadahadalka ee Kuuriyada Koofure, Maraykanka iyo Laanqeyrta Cas.


Hase ahaatee isu socodka dadka labada kuuriya ee xuduuda ayaa khamiistii shalay ahaa mid iska caadi ah oo ma jirin wax isbadal ah oo la dareemayey.

Xogahayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Chuck Hagel oo wariyayaasha kula hadlayey magaaladan Washington, ayaa la xiriiriyey duulimaadka diyaaradaha B-2 daandaansigii waayahaan ee Kuuriyada Wuqooyi, kuwaasoo ay ka mid yihiin hanjabaadaha Pyongyang ee ah inay weeraro Nucklear ah ku qaadi doonto, Kuuriyada Koofure, Maraykanka iyo xulafada maraykanka ay ku leeyihiin wadamada kulaala Badda Pacific-ga.
XS
SM
MD
LG