Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ban Ki-moon oo Canbaareeyey Falaagada Seleka


Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa canbaareeyey falaagada xoogga kula wareegtay dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, waxa uuna ku baaqay in degdeg lagu soo celiyo nidaamkii dastuuriga ahaa.

Falaagada Seleka ayaa Axaddii shalay la wareegtay magaalada caasimadda ah ee Bangui, iyagoo ku qasbay madaxweyne Francois Bozize inuu dalka isaga baxsado. Goob-joogayaal ayaa sheegay in dagaal xooggan uu magaalada ka dhacay falaagaduna ay gacanta ku dhigtay xarunta madaxtooyada.

Mr. Ban ayaa sheegay inuu aad uga xumaaday wararka sheegaya inay Bangui ka dhaceen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, iyo bililiqo loo geystay xarunta Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada

Dhinaca kalena, Madaxweynaha wadanka Koofur Afrika Jacob Zuma ayaa sheegay in 13 ka mid ah ciidankiisa la dilay 27 kalena lagu dhaawacay dagaal ay falaagada Seleka kula galeen caasimadda Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Madaxweyne Zuma ayaa sheegay in hal askari la la’yahay ka dib dagaalka ka dhacay Bangui

Mr. Zuma ayaa sheegay in Kuufur Afirka ay ka soo horjeedo isku day kasta oo awoodda xoog lagula wareegayo, dhimashada askartuna aaney dalkiisa ka horjoogsaneyn inay ka difaacaan in dowladda la soo doortay ee Jamhuuriyadda Bartamaha Afrila xoog lagu rido.

Koofur Afrika ayaa Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika waxaa ka jooga 200 askari oo caawinaya milatariga dalkaasi.
XS
SM
MD
LG