Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hammami iyo Mustafa oo Lacag la Dul Dhigay


War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Abaal-marinta Caddaaladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, ayaa lagu sheegay in xafiisku uu bixinayo abaal marin lacageed oo gaareysa 5 milyan oo dollar, taasoo la siinayo qofkii keena macluumaad lagu soo xirayo ama dambi loogu soo oogayo Cumar Shafiiq Hammaami iyo Jihaad Serwan Mustafa.

Cumar Hammaami waa muwaadin Maraykan ah, waxaana uu horay u deganaa magaalada Daphne ee gobolka Alabama. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Cumar Shafiiq Hammaami uu ururka Alshabab ku biiray, tababarna ka helay kooxo mintid ah oo Islaami ah.

War-saxaafadeedku waxa uu intaas ku daray in Hammaami uu ururka Alshabab u qaabilsanaa dhinaca dayaacadda, isaga oo u soo qori jiray dhalinyarada afka Ingiriiska ku hadasha.

Hay’adda sirdoonka ee FBI ayaa bishii November ee sanadkii 2012kii Cumar Hammaami ku dartay liiska xubnaha argagixisada ah ee loogu doondoonista badan yahay. Hammaami waxa uu adeegsadaa magacyo kale sida Abu Mansour Al-Amriki iyo Faaruuq.

Ninka kale ayaa war-saxafadeedku sheegay inuu yahay Jihaad Mustafa oo haysta dhalashada Maraykanka, horayna u degenaa magaalada San Diego ee gobolka California. Mustafa, ayaa warsaxaafadeedku sheegay in Somalia uu tagey sanadkii 2005tii, ururka Alshababna uu u noqday khabiir dhinaca warbaahinta ah. Maxkamad ku taalla gobolka California ayaa dambi ku heshay 9kii bishii October ee sanadkii 2009kii. Sida warsaxaafadeedka lagu sheegay, Jihaad Mustafa waxa uu isna adeegsadaa magacyada Axmed Guray, Anwar Al-Amriki iyo Amiir Anwar.

labadan nin ayaa la aaminsan yahay in ay Somalia ku sugan yihiin.

Wareysi ku saabsan lacagta la duldhigay labada nin ee Maraykanka halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:30 0:00
XS
SM
MD
LG